Wasiirka arrimaha dibedda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa boggiisa Twitter-ka soo dhigay qoraal kooban oo uu kaga hadlayo xidhiidhka labada dowladood Jabuuti iyo Soomaaliya.

Wasiirka ayaa Qoraalkiisa ku sheegay in xidhiidhka ka dhaxeeya labada dal uu sii ahaan doono mid xoogan marka loo eego khilaafkii dhawaan ka dhashay booqashadii madaxweynaha Soomaaliya bishii tagtay ee July uu ku tagay magaalada Asmara ee dalka Eritrea.

Booqashada madaxweyne Farmaajo ee dalka Jabuuti uu ku joogo iyo kulamada uu la qaatay dhiggiisa Ismaaciil Cumar Geelle ayuu ku sheegay in ay dhidibada u sii adkeyn doonto xidhiidhka walaal-timo ee labada dowladood.

Wali lama shaacin wax –yaabaha ay ka wada hadleen labada madaxweyne iyo waxa ay iska yidhaahdeen tabashadii ay Jabuuti ka muujisay khudbadii madaxweyne Farmaajo ee Asmara.

Jabuuti waxaa ay qeyb ka tahay howlgalka midowga Africa AMISOM waxaan Soomaaliya ka jooga Kumannaan ciidamo ah oo gaar ahaan ka howlgala gobolka Hiiraan ee badhtamaha Soomaaliya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga