Jabuuti waxay bilawday dedaalo ay ku dhex dhexaadinayso dalalka Soomaaliya iyo Kenya oo mudooyinkii danbe ay xiisad sii kordhaysay ay ka dhaxayso.

Wasiirka arimaha dibadda ee Jabuuti ayaa sheegay in dalkiisu uu wefti u dirayo xadka Soomaaliya iyo Kenya saraakiil kala duwan oo qiimayn doona xaaladda xadka u dhaxeeya labada dal.

Weftiga ayaa ka kooban diblomaasiyiin dawladda Jabuuti ah iyo saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada milatariga Jabuuti.

Maxamuud Cali Yuusuf, wuxuu xusay in dawladdiisa ay madaxda gobolku u xilsaareen in ay soo qiimeeyaan xaaladda xadka ee u dhaxeeya labada waddan ee Soomaaliya iyo Kenya.

Xadka Mandheera iyo Balad xaawo ayay tagi doonaan weftiga ay Jabuuti dirtay.

Shirkii IGAD ayaa madaxda gobolku ay kaga wada hadleen xiisadda Soomaaliya iyo Kenya, inkasta oo aan war-murtiyeedka shirka lagu xusin wax is afgarad ah kadib Soomaaliya oo shuruud ku xidhay in ay dib ula heshiiso Kenya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga