Dawladda jamhuuriyadda Jabbuuti ayaa xaqiijisay in qofkii labaad uu u geeryooday cudurka Coronavirus gudaha dalkeeda.

Xoghayaha guud wasaaradda caafimaadka Jabbuuti Dr. Saleh Bonaita, ayaa sidan u xaqiijiyay warbaahinta maalinta oo ah Sabti.

Warqad kasoo baxday wasaaradda caafimaadka Jabbuuti, ayaa waxaa lagu sheegay in tirada kiisaska la helay maanta oo Sabti ahi ay gaadhayso 37 qof, taasoo tirada guudna ka dhigaysa 187 qof.

Wasaaradda caafimaadka Jabbuuti, ayaa sheegtay inay cudurka Coronavirus ka bogsadeen 36 qof, Jabbuuti, hore ayaa Jabbuuti waxaa ugu geeryooday hal qof oo la xaqiijiyay inuu u geeryooday cudurka dunida sida wayn u saameeyay ee Coronavirus. 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga