Xisbiga haya talada dalka Itoobiya EPRDF ayaa aqabalay iscasiladdii raysal wasaaraha Itoobiya Hailamariam Desalegn. Xsibiga ayaa sheegay inuu xilka sii haynayo inta xilka looga soo dooranayo cid badasha.

 

Raysal wasaaraha ayaa iscasilay maalinkii shalay, waxaana uu sheegay inuu warqaddi iscasilaadiisa uu u gudbiyay xisbigiisa iyo baarlamaanka ba.

 

Iscasilaadda raysal wasaaraha ayaa imanaysa ka dib markii dalku uu maalintii 12 feebarwari galay dibedbaxyo xooggan, kuwaas oo xidhay ganacsigii iyo isku socodkii dalka. Dibed-baxyadan ayaa soo socday tan iyo sannadkii 2015, waxaana ay ka bilaabmeen rabshada ka dhashay balaadhinta caasimadda Addis Ababa. Dawladda ayaa rwadday qorshe lagu ballaadhinayo caasimadda, kaasi oo qaadanayay dhul daaqsimeed ay deegaan ahaan degen yihiin qoomiyadda Oromadu. Dibedbaxyadaasi ayaa isa soo taray ilaa ay soo gaadheen maalintii shalay oo xilkaa uu iska casilay raysal wasaarihii dalku.

 

Dawladda ayaa isku dayday inay dejido xaaladdan, waxaana ay ugu horreyntii adeegsatay ciidamada, waxaana ay taasi sababtay inay dhintaan dad badan oo gaadhaya kumanaan. Bishii hore ee sannadkan ayaya dawladdu sheegtay inay siidaynayso, cid walba oo xidhan arrimo siyaasadeed.

 

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga