Itoobiya ammaanka ayaa aad loo adkeeyay kadib aaska u dhaqdhaqaaqe iyo fannaan caan ka dhex ahaa qowmiyadda Oromada  Hachalu Hundeessaa, taasi oo sababtay laba cisho oo dibad-baxyo xooggan ah iyo geerida ku dhawaad 80 qof.

Dad tiro badan oo khayr u rajaynayay hoobalka la xabaalayo, ayaa ubaxyo nidaamsan  dhigay garoonka ciyaaraha ee magaalada Ambo,  taasi oo qiyaastii 100 Km galbeed ka xigta magaalada caasimadda ah ee Addis ababa.

Kadib geerida hoobalkan 34 sanno jirka ah, xaaladda Itoobiya ayaa weli qasan, gobolka Oromada magaalooyinka waawayn ee ku yaalla ciidamada Militariga ayaa lagu daadiyay jidadka, si ay u sugaan nabadgeliyada, iyadoo sidoo kale maalintii saddexaad hawada uu ka maqan yahay khadka Internet-ku, sida caadada ka ah markasta oo rabshado ka dhacaan Itoobiya.

Warbaahinta adduunyada kuwooda ugu waawayn ayaa ka warramaya geerida fannaanka Itoobiyanka ah eeHachalu Hundeessaa, iyagoo tilmaamaya inay dogobyo sii saarayso xaaladda markii horeba ka dhex taagnayd qowmiyadaha Itoobiya wada dega.

Raysal-wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed Cali, ayaa waxaa uu sheegay in xoogag shisheeye ka dambeeyeen dilka fannaankan, kuwaas oo buu yidhi adeegsanayay xoogag gudaha ah.

Telefishanka Aljazeera, ayaa sheegay in shisheeyaha lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen geerida ninkani, ay safka hore kaga jiraan dalalka Masar iyo Soodaan.

BBC-da qaybta qoraalka wax ku gudbisa, oo soo xiganaysa hadal uu hore u yidhi fannaankan Oromada ahaa ee Addis Ababa lagu dilay, waxaa ay sheegtay inaanu aqoonin sida loo qoro heesaha loona sameeyo laxamada, kahor intii aan la xidhin.

Daraasiin dad ah ayaa loo xidhay dilka hoobalkan, iyadoo xabsiga loo taxaabay Jawar Maxamed oo hormuud ka ahaa kacdoonkii lagaga soo horjeeday xukuumaddii raysal-wasaare Desaland, iyadoo kacdoonnadaasina uu safka hore kaga jiray 34 jirka cimrigiisa lasoo gaabiyay ee Hachalu Hundeessaa, 

Qowmiyadda Oromada oo ah midda ugu ballaadhan Itoobiya, ayaa sannaddo badan caddaalad darro iyo gacan-bidixayn ka tirsanaysay maamulladii kala dambeeyay ee soo maray dalkaasi.

Raysal-wasaare Abiy, ayaa dibad-baxayaasha u sheegay, inay haystaan laba waddo kuwaas oo kala ah inay ku dhacaan dabinka ay dhigeen kuwa soo weeraray Itoobiya, ama ay ka weecdaan oo ay sii hayaan tubta isbedelka.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga