Dawladda Itoobiya ayaa si adag uga hor timi mawqifka Maraykanka ee ku aadan khilaafka webiga Niil, ee u dhaxeeya wadamada Itoobiya iyo Masar.

Xukuumadda Addis Ababa ayaa sheegtay in Maraykanku uu ka bad-badinayo doorkiisa oo ahaa kaliya mid dhexdhexaadnimo ah. Maraykanka ayaa soo jeediyay in aan la dhammaystiri karin dhismaha dhaamka wayn ee Itoobiya ay dhisanayso illaa inta laga xalinayo khilaafka u dhaxeeya labada dhinac.

Itoobiya ayaa rabta in ay dhammaystiro dhismaha biyo-xidheenka ugu wayn Afrika ee laga dhalinayo korontada, ka hor dhamaadka sanadka 2022-ka, balse Masar ayaa ka baqaysa in biyaha webiga ee u tallaabada dhankeedu ay is-dhimaan marka ay Itoobiya dhaamka dhisato.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga