Itoobiya waxay sheegtay in ay bilaabayso olole ay kula dagaalamayso wax ay ku sheegtay faro galinta shisheeye ee lagu hayo gudaha dalka Itoobiya, kuwaas oo xukuumadda Abiy Axmed ay si adag uga hor timi.

Xukuumadda Addis waxay isku dayaysaa in ay ka hor tagto damaca ururo iyodawlado waawayn oo raba in ay gacanta la galaan arimaha Itoobiya, oo qaarkood lagu cambaaraynayo xukuumadda Abiy sida dagaalkii Tigrayga iyo sida uu ula tacaalay oo la sheegayo in ciidamadiisu ay tacadiyo ula kac ah oo aan tiro lahayn ay ka gaysteen gobolakas waqooyi ee Itoobiya.

Kooxo ay maal galinyaso dawladda Itoobiya oo iskugu jira ururada bulshada iyo dad kale oo arimaha Itoobiya u dhaqdhaqaaqa ayaa imika bilaabaya ololaha ay dabada ka riiayso dawladda Itoobiya.

Dhanka kale dawladda Itoobiya waxay durtay war kasoo baxay dawladda ay saaxiiada dhaw yihiin ee Maraykanka.

War dhawaan kasoo baxay waaxda arimaha dibadda ee dalka Maraykanka, agar ahaan xoghayaha arimaha diabdda, Anthony Bilnken, ayay xukjuumada Abiy ku tilmaantay faro galin ka dhan ah madax banaanida dawladda Itoobiya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga