Itoobiya ayaa ku dhawaaqday xaalad deg-deg ah, maalin kadib markii ra’iisal wasaaraha dalka uu is casilay.
Tallaabadan ayaa waxaa  ku dhawaaqay Golaha Wasiirada,sida laga soo xigtay war-saxaafadeedka EBC.

 

Iyada oo laga soo xigtay ilo aan la magacaabin oo ku dhow “xukuumadda”, wargeyska Standard ee Addis Ababa ayaa soo wariyay in goluhu ka dooday Mudada lagusoo magacaabayo Rasalwasaare cusub

 

Bishii Agoosto 2017, Itoobiya waxay qaadday xaalad degdeg ah oo lagu soo rogay kadib markii boqollaal dad ah lagu diley dibad-baxyo dawlada ka soo horjeeda oo dalbanaya xoriyad siyaasadeed oo ballaadhan.
Oromo iyo Amxaarada – kuwaas oo ka dhigan 61 boqolkiiba dadweynaha dalka – waxay soo bandhigeen banaanbaxyo ballaadhan tan iyo sannadka 2015 iyagoo dalbaday Xoriyad siyaasadeed iyo joojinta xadgudubyada xuquuqda aadanaha ka dhanka ah

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga