Itoobiya Ayaa Dib U Furatay Safaaradeeda Eritrea, Ka Dib 20-Sano Oo Colaadi kasoo Dhaxaysay Labada Waddan, Kuwaas Oo Saxiixay Heshiis Nabadeed Horaantii Sanadkan.
Munaasabadda Furitaanka Safaarada Ayaa Waxaa Ka Soo Qaybgalay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki Iyo Mas’uuliyiin Sare oo Labada Wadan Ka kala Socday,
Tan Iyo Markii Ay Heshiiska Nabada Ku Kala Saxiixdeen Asmara Labada Hogaamiye ee itoobiya iyo Eritrea 9-Kii July, Waxay Si Deg Deg Ah Ugu Dhaqaaqeen Soo afjarida Labaatan Sano Oo Colaad Ah.
Bishii Luulyo, Eritrea Waxay Dib U Furatay Safaaradeeda Caasimadda Itoobiya, Addis Ababa, Waxaana Loo Magacaabay Safiir Cusub.
Xidhiidhka Hawada Ayaa Sidoo Kale Dib Loo aasaasay iyada oo Shirkadaha Diyaaradaha ee Itoobiya ay Bilaabeen Duulimaad Toos Ah oo u Dhexeeya Addis Ababa Iyo Asmara.
Ciidamada itoobiya ayaa Mudo Dheer ku sugnaa Xuduudka ay Wadagaan Eritrea Tan Iyo Markii Ay Itoobiya Diiday Go’aankii Qaramada Midoobey ee ahaa In Ay Ka Baxaan Ciidamada itoobiya Dhulka Eritrea,
Ra’iisal wasaaraha itoobiya Abiy Ahmed Ayaa Markii Uu Hogaanka Dalka Qabtay Wuxuu Bishii June Ku Dhawaaqay In Ethiopia Ay Ka Tanaasulayso Dhulalka Xuduudaha oo ay Xiligaas Ku Dagaalamayeen Dalkiisa iyo Eritrea.
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Ayaa Sheegay In Addis Ababa Si Buuxda U Hirgelin Doonto Heshiiska Nabadeed Ee Qaramada Midoobay.