Itoobiya waxay maanta si rasmi ah u furtay dhaam biyoodka koronto laga dhaliyo ee ugu wayn qaaradda Afrika.

Raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa si rasmi ah xadhiga uga jaray dhaamkan oo ah mid muhiimad ballaadhan u leh shacabka tirada badan ee Itoobiya iyo wadamada la jaarka ahba.

Dhaamkan waxa lagu dhisay aduun lacageed oo kor u dhaafaya $4 billion, waxaana dhismihiisa lasoo waday tobankii sanno ee lasoo dhaafay.

74 billion cubic meter oo biyo ah ayuu qaadayaa dhaamkani waana xaddi biyo ah oo ay walaac xoogan ka qabaan wadamada kale ee hela biyaha webiga Niil oo uudb dhexaad u ah dhaamkan.

Abiy Axmed ayaa goob joog ka ahaa korntadii ugu horaysay ee laga dhaliyay dhaamkan oo ahayd 375 MegaWatta subaxnimada Axadda.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga