Dawladda Itoobiya ayaa sheegatay in ay deegaano isataraatiji ah kala wareegtay dagaalamayaasha TPLF ee waqooyiga dalkaas.

War kasoo baxay xafiiska raysalwasaaaraha ayaa lagu xusay in ciidamo uu Abiy Axmed hor kacayaa ay qabsadeen deegaanada Dessie iyo Kompolcha oo hore ay TPLF u qabsatay.

Deegaanadan ayaa ka tirsan dhulka Amxaarada ee dalka Itoobiya iyadoo Tigrayga dib loogu durkiyay dhanka deegaanadooda ee waqooyiga dalkaas.

Waxa sidoo kale ay Itoobiya sheegatay in ay qabsatay Bati, Gerba, Kersa, Degan oo iyagana ay TPLF qabsatay bil ka hor.

Dagaalka ayaa kusii xoogaysanaya waqooyiga Itoobiya iyadoo aanay jirin wax tanaasul ah oo dhinacyadu ay muujinayaan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga