Itoobiya waxay rabtaa in laga dhaafo daymaha badan ee lagu leeyahay dalkan dhaca Geeska Afrika.

Iyadoo ka faa’iidaysanaysa barnaamijka wadamada ururka 20, ayay xukuumadda Addis dalbatay in laga cafiyo daymaha ay gashay. Waxay noqonaysaa dalkii labaad ee Afrikaan ah ee tallaabadan qaada.

Barnaamijka ay Itoobiya ka faa’iidaysanayso waxa loogu talo galay in wadamada uu saamaynta ku yeesho xanuunka Covid-19 lagu taageero dhaqaale ahaan.

Itoobiya waxay ka mid tahay wadamada Afrika ee dhaqalahoodu oo sida xawliga ah u korayay sanadihii lasoo dhaafay, balse dawlado badan oo daymaysan waxa dhaqaalahooda wiiqay xanuunka Covid-19 oo saamayn wayn ku yeeshay.

Wasiirka maaliyadda ee dawladda Itoobiya ayaa sheegay in la shiri dooonaan dayn-bixiyayaasha, si ay ugala xaajoodaan baahidooda ah in laga dhaafo daymaha.

Ku dhwaad $30 billion ayaa Itoobiya dayn ahaan loogu leeyahay, iyadoo amaahatay sanadihii lasoo dhaafay. $8.5 billion waxa Itoobiya ku leh dawladaha, halka inta hadhayna ay iskugu jiraan daymo ganacsi iyo kuwo gaar ah.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga