Itoobiya waxay markii ugu horaysay buuxisay dhaamka wayn ee laga dhalinayo korontada ee ay ka binaysay meel u dhaw xadka ay la leedahay dalka Sudan, kaas oo dhawaan si rasmi ah loo furayo.

Raysalwasaaraha dalkan ku yaala Bariga qaaradda Afrika ayaa taariikhi ku tilmaamay in dhaamku uu buuxsamo markii koobaad.

Abiy Ahmed oo magaaladda Addis Ababa ka hadlayay wuxuu xusay in aanay waxba iska dhimin biyaha webiga Niil, xili dhaamkuna uu buuxsamay. “Buuxinta wejiga koobaad ee dhaamku, waa dhacdo taariikhi ah taas oo caddayn u ah balanqaadka Itoobiya ee dhanka horumarka ku wajahan. Waxaan ku gaadhany dedaalkeena xili aanay cidna rumaysnayn in ay dhaboobi doonto. Waxaanu xaqiijinay arintan anagoon cidna waxba yeelin.” ayuu yidhi Abiy Ahmed. Dhaamka ayaa imika lagu shubay biyo dhan 4.9bn oo m cubic cabirka muga.

Buuxinta dhaamka wayn ee Grand Renaissance ayaa imanaya xili xukuumadaha Addis, Khartuum iyo Qaahira ay iskugu imanayaan wada hadalo uu Midawga Afrika gadhwadeen ka yahay kaas oo muranka jira lagu xalinayo.

Dhaamka Itoobiya waa xuddunta khilaaf ballaadhan oo u dhaxeeya Masar iyo Itoobiya oo Sudan-na ay weheliso. Masar waxay qabtaa in ay khalad tahay in Itoobiya ay buuxiso dhaamka ka hor inta aan laga heshiin biyaha webiga Niil. Webiga Niil ayay Masar aad ugu tiirsantahay biyihiisa, waxayna galaangal ka wadaa gobolka iyo caalamka sidii ay ugu guulaysanlahayd in Itoobiya ay qorshaheeda qaadato. Beeraha Masar iyo shacabka ku dhaw 100-ka million ee dalkaas ayuu laf-dhabar u yahay webigu wax soo saarkooda.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga