Qaramada Midoobay iyo dawladda Itoobiya waxay ku heshiiyeen in si madax banaan baadhitaano loogu sameeyo tacadiyo la sheegay in ay ka dhaceen gobolka Tigrayga ee dalka Itoobiya.

Ciidamada Eritrea iyo kuwa Itoobiya ayaa boqolaal qof laayay iyadoo xogaha qaarna ay sheegayaan in kumanaan shacab ah lagu xasuuqay gobolka mudadii uu dagaalka Tigraygu socday.

Abiy Axmed ayaa weerar ku qaaday gobolka Tigrayga isagoo si khasab ah ula wareegay gacan ku hayntiisa.

Gudi madax banaan oo qaramada midoobay iyo dhinacyada kale ah ayaa baadhitaan ku samayn doona dhammaan tacadiyada dilka, faro-xumaynta iyo xatooyadu ay ka mid yihiin.

Dhanka kale, Abiy Ahmed wuxuu qiray in ciidamo ka tirsan kuwa Eritrea ay ku suganyihiin gudaha gobolka Tigrayga ee waqootiga dalka Itoobiya kadib bilo uu dafirayay in ciidamada Eritrea ay gudaha usoo galeen dalkiisa kuna luug leeyihiin dagaalka ka socday gobolka Tigrayga.

Dawladda Itoobiya ayaa ciidamada Eritrea waxay ugu baaqday in ay si degdeg ah uga baxaan gudaha Itoobiya, kadib tacadiyo la sheegay in ay ka gaysteen gobolka.

Xafiiska raysalwasaare Abiy Axmed ayaa ku waramay in Eritrea dhankeeda ay caddaysay in ciidamadeedu ay ka baxayaan gobolka.

Xafiiska Abiy Axmed wuxuu sidoo kale qirtay in ciidamada Eritrea ay tacadiyo kala duwan ka gaysteen gobolka Tigrayga.

Waxa la sugayaa natiijada kasoo baxda baadhitaano kala duwan oo socda.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga