Itoobiya ayaa diiday baaqyo caalami ah oo loo soo jeediyay.
Baaqyada caalamiga ah ee loo soo jeediyay dawladda Itoobiya ayaa ahaa, in baadhitaanno madax bannaan lagu sameeyo dagaalkii ka dhacay waqooyiga dalkaasi gaar ahaan gobolka Tigrey, kaas oo u dhexeeyay ciidamada federaalka Itoobiya iyo jabhadda xoraynta dadka Tigreega, taas oo magaceeda loo soo gaabiyo TPLF.
Kooxaha u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha, ayaa ku dacwoonaya in dagaalka Itoobiya ee gobolkaasi ay ku nafwaayeen kumannaan qof, iyadoo cabsi wayn laga qabo xad-gudubyo yaxyax leh oo dhacay, maadaama khadadka Internet-ka iyo telefankuba go’naayeen intii dagaalku socday.
U dhaqdhaqaaqeyaasha xuquuqda aadanuhu waxay sheegeen, in ugu yaraan la diiwaangeliyay xasuuq dhacay, iyadoo kuwo kalena laga cabsi qabo.
Sarkaal sare oo u hadlay dawadda Itoobiya, kaas oo magaciisa layidhaa Ridwaan Hussein waxaa uu weriyeyaasha u sheegay, in Itoobiya ay ku filan tahay baadhis ay samayso, balse haddii ay qaban kari waayaan ay ku casuumi doonaan dadka kale ayuu yidhi Ridwaan Hussein.
“In loo qaato in dowladdu aysan fulin karin baaritaannada ceynkan ah waxa ay tahay hoos- u dhigidda xukuumadda,” ayuu yidhi Ridwaan Hussein sarkaalka u hadlay dawladda Itoobiya.
Walaaca ayaa sii kordhayaa xilli uu gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaasi uu inta badan ka go’an yahay dunida, iyadoo dadka 6-da milyan gaaraya ee gobolkaasi ay si aad ah ugu baahan yihiin cunto iyo daawooyin, sida ay ku warramayaan warbaahinta dunidu.
Itoobiya ayaa dal Afrika ku yaalla, kaasi oo aan weligii gumaysan gumaysteyaashii Afrika qabsaday, waxaanay si wayn iskaga dhawraysaa faragelin shisheeye waxaanay si walba iskaga ilaalinaysa luminta taariikhdaasi.