Waaxda dabagalka cudurka Coronavirus ee dalka Itoobiya ayaa sheegtay ayaa warbaahinta u sheegtay in illaa markii cudurkan cusubi uu dillaacay ay heleen kiisaska illaa 29 qof oo cudurkaasi looga shakiyey.

Wasaaradda caafimaadka ee Itoobiya ayaa shir jaraa’id oo ay qabatay waxay kaga warrantay cudurka Coronavirus iyadoo sheegtay in illaa  29-ka qof oo cudurka looga shakiyey xaruunta ay soo gaadheen isla-markaana dabagal iyo hubin dheeraad ah lagu sameeyey.

Wasaaradda, ayaa sheegtay in baadhis qoto dheer oo lagu sameeyey 29-ka qof ee xarunta dabagalka cudurka Coronavirus soo gaadhay 14 ka mid ah laga helay calaamado cudurkaasi u eg ka hor inta aan la xaqjiijin inay cudurkaas qabaan iyo in kale iyadoo lagu karantiilay goob u gaar ah oo lagula socdo xaaladdooda.

Dadka cudurka looga shakiyay, ayaa shaybaadho laga qaaday loo diray dalkaasi Koonfurta Afrika iyadoo la ogaaday in siddeed kamid ahi ay cudurka ka badqabaan halka weli qaar kale baadhitaannadii laga qaaday natiijadooda la sugayo.

Cudurka Coronavirus, ayaa kasoo bilaabmay magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha iyadoo la go’doomiyay dhammaan dadkii kunoolaa magaaladaas oo aan la ogolayn inuu qofi isakaga baxo magaalada si iskii ah.

Gebi ahaanba dadka ka yimaadda dalka Shiinaha kahor inta aan la fasixin ee aanay dhex gelin dadka kale, ayaa sida ay sheegtay wasaaaradda caafimaadka Itoobiya lagu sameeyaa baadhitaanno, kuwaas oo ay sameeyaan xirfadleyaal u tababaran kuwaas oo ay wasaaradda caafimaadka Itoobiya sheegtay inay u dhamaystiran yihiin qalabkoodii .

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga