Booliska Itoobiya ayaa sheegay in tirikoob ay ka sameeyeen geerida rabshadihii iyo isku dhacyadii qowmiyadeed ee ka dhacay dalkaasi, kadib dilkii fannaan caan ka dhex ahaa qowmiyadda Oromadu, ay gaadhay 239 qof.

Boolisku waxay sheegeen in laamaha ammaanku ay adeegsadeen awood badan, iyadoo isku dhaca qowmiyaduhuna ay kor usii qaadday tirada dhimashada.

Raysal-wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in la rabay ”kala qaybinta qowmiyadda Oromada”, mar uu la hadlayay shalay baarlmaanka dalkaasi.

Dilka fannankan, ayaa sababay kor u kaca xiisadda qowmiyadaha dalkaasi dalkaasi.

Wararkii ugu dambeeyay kala soco Saab TV, waa meesha kuugu dhow ee aad ka heli karto warar xaqiiqada ku sal leh.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga