Wadamada qaaradda Yurub ayaa qoshaynaya in ay si buuxda u xidhaan dhammaan xuduudaha lagasoo galo qaaradda, kadib caabuqa Covid-19 oo dunidu ay u maaro la’dahay.

Madaxa komishanka Midawga Yurub ayaa madaxda dawladaha ugu baaqay in ay qaadaan tallaabooyin dheeraad ah oo lagu xakamaynayo caabuqa, si fiditaan kale looga baaqsado.

Qaar ka mid ah wadamada Afrika ayaa gabi ahaanba joojiyay duulimaadyada caalamiga ah ee wadamadooda iman jira sida, Soomaaliya, Kenya iyo wadamo kale.

Illaa 168,000 oo qof ayuu caabuqa Covid-19 saameeyay dunida oo dhan, wuxuuna sahayday nolosha dad ka badan 6,600 oo qof.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga