Raysalwasaarha israel benjamin neteny ayaa wacad ku maray in uu sii fidin doono dhulka ay isarel ka qaado shacabka falastiin, hadii mar kale ay u codeeyaan isreilyiintu.

9-ka bisha ama maalinta salasada ee inagusoo foolka leh ayaa la filayaa in israel ay ka qabsoomaan doorashooyinku. Guud ahaanna waxa codkooda dhiiban doona 5.88million oo israilyiin ah.

Ben net oo tartan adag kala kulmaya xisbiyada midigta fog oo iyagu ka xagjira isaga aaminsanna in lasii kordhiyo dhulka laga qado falastiin ayaa isaguna balanqaaday in uu kordhin doono deegamaynta yuhuudu ay smaynyso ee daanta galbeed.

Deegamaynta ayaa sharci daarro ah marka la eego qawaaniinta caalamiga ah, iyo mawqifka ayiska taagtay qramada midoobay, balse israel oo muuqta in ay garab ogtahay ayaa sii wada dhulka reer falastiin ee ay ku darayso dhulka ay sheegato.

Israel wxay danta galbeed ee ay ka haysato falastiin dajisay illaa 400k oo yuhuud ah, halka daanta bari ee magaaladana, waa qudus e’, ay daganyihiin illaa 200k oo yuhuud ahi. Balse balse waxa iyaguna dagan illaa 2.5million oo falastiinioyiin ah, kuwaas oo afar jeer ka badan yuhuuda lagu deegaameeyay.

Raysalwsaare netnyahu waxa uu tartanka ugu culuysi hdexmari doonaa Benny gantz oo hore usoo noqday ninka ugu sareeya ciidanka difaaca israel.

Benya bibi neten oo jira 69 sanno ayaa hadii markan la doorto wxa uu noqondoonaa raysalwsarihii ugu mudad dheeraa ee ay israil yeelato, iyo raysalwsahrihii ugu horeeyay ee isagoo xil haya lagusoo oogo eedaymo musuqmaasuq iyo khiyaamo la xidhiidha.

Benyamin benny gantz oo isaguna 59 jir ah ayaa si wayn ula loolamaya netenyahu, waxa uu marar bdan kasoo muuqday xilal kal duwan oo ciidanka israel ah, waxaana caawinaysa khibradiisa miltari madaama israel aad loo tixgaliyo arimaha ammanka oo ay suurtagal tahay in lagu doorto, walaw lagu dhaliilo in aanu lahayn mawqifyo cadcad oo uu yahay nin ay wax badani u qarsoon yihiin.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga