Milatariga Israel Ayaa Sheegay In 25 Hoobiye Maanta Lagusoo Tuuray Dhowr Goobood Oo Ku Yaalla Koonfurta Israel.

Bayaan Kasoo Baxay Milatariga Ayaa Lagu Sheegay In Hubkooda Difaaca Gantaallada Uu Qabtay Gantaalladaas, Halka Qaarkoodna Ay Ku Dhaceen Meelo Banaan, Balse Lama Sheegin Wax Khasaare Ah.

Xiisadda Ka Taagan Xuduudda Qaza Ayaa Sare U Kacsaneyd Labadii Bilood Ee Ugu Dambeeyey, iyada Oo Falastiiniyiinta Ay Wali Dhigayaan Dibadbaxyo Ay Ku Baaqayaan Inay Dib Ugu Noqdaan Dhulkoodii Laga Barakiciyey Markii Israel La aas-aasay 1948-Kii.

Ciidamada Israel Ayaa Dilay Ugu Yaraan 115 Qof Oo Falastiiniyiin Ah Tan Iyo Markii Dibadbaxyada Ay Billaabmeen, iyada Oo aad Loogu Cambaareeyey Adeegsiga Awood Ciidan.

Israel Ayaa Ku Eedaysay Kooxda Xamas Inay Rabshadaha Kicisay, Waxayna Ku Dooday Inay Ka Fal-Celisay Si Ay U Ilaaliso Xuduudda.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga