Saacado ay istaageen duqaymuhu, Israel ayaa dib u bilawday maanta iyadoo guryo badan dhulka la sintay kadib digniino ay u dirtay. Digniinta Israel waa gantaalo hor dhac ah, iyadoo dhismayaasha la biibanayo wakhti kooban kadib.

Xalay waa habeenkii ugu sahlanaa tan iyo marki uu dagaalku bilaabmay 8 maalmood ka hor.

Bar-tilmaameedyo ku yaala magaalada Qaza ayay beegsadeen mar kale diyaaradaha Israel, iyadoo ay ku jireen warshado ay dad shacab ahi leeyihiin, wadooyin ay goysay iyo khasaare kale.

Weli Israel iyadu waxay digniino siinaysaa shacabkeeda iyadoo deegaano badan laga raray dadka, halka kuwo kalena loo sheegayo in ay galaan dhufaysyada loo sameeyay si ay uga badbaadaan gantaalada kooxda Xamaas ee Falastiin.

Dhimahsada ayaa imika kor u dhaaftay 200 oo qof. Illaa 212 qof ayay xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka ee Falastiin.

Waxa la filayaa in baaqyada sii kordhayaa ayt cadaadis saaran Israel si ay u joojiso duqaymaha ay ku wax yeeloobayaan caruurta iyo haweenka Falastiin oo iyagu u adan dadka dhibanayaasha ah.

Madaxweynayaasha Maraykanka iyo Ruushka ayaa ku baaqay in la joojiyo dagalka isla markaana wada hadal la galo.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga