Dhimashada ayaa la xaqiijiyay 18 qof gudaha dalka Suuriya, kadib markii ay Israel duqaymo dhanka cirka ah ka fulisay deegaano ka torsan Suuriya.

Bariga Suuriya ayay ka dhaceen duqaymuhu xili habeenimo ah waxaana ay israel sheegtay in ay bartilmaameedsanayso ciidamo deegaanka ah.

7 askari oo ka trisan milatariga Suuriya iyo 16 askari oo kooxaha ay xulafada yihiin ah ayaa la sheegay in weerarada Israel ay ku dhinteen.

Ku dhawaad 30 qof oo kale ayaa lagu dhaawacay weerarka. Qaarkood waxay u jiifaan xaalado culus.

Waa weerarkii ugu dhimashada badnaa e Israel ay ka fuliso gudaha dalka ay colaaduhu baabiiyeen ee Suuriya tan iyo sanadkii 2018.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga