Dhismo dhawr dabaq ka kooban oo ku yaalla gudaha Qasa ayaa xalay ku burburay duqeyn ay Israa’iil halkaasi ka geysatay.

Saraakiisha reer Falastiin ayaa sheegay in weerarkasi ay ku dhaawacmeen ilaa 18 qof oo rayid ah.

Hase yeeshee Israa’iil ayaa sheegtay in duqeymo ay la beegsatay in ka badan 150 bartilmaameed oo ku yaalla gudaha Qasa, kuwaa oo jawaab u ahaa sawaariikh tiro badan oo Xamaas ay ku garaacday gudaha Israa’iil.

Milatariga israa’iil ayaa sheegay in Xamaas ay ku soo ridday sawaariikh awood u leh in ay gaadhaan badhtamaha Israa’iil, waxa uuna intaasi ku daray in dhawr qof ay ku dhaawacmeen sawaariikhdaasi.

Dhanka kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in labada dhinac ay hadda gaadheen heshiis xabbad joojin ah balse ilaa haatan Israa’iil ma aysan xaqiijin jiritaanka heshiiskaasi.

Saraakiil reer Falastiin ah ayaa sheegay in la gaadhay heshiis ay gadhwadeen ka ahayd dowladda Masar.

Rabshadaha ka jira Qasa ayaa xoogeystay kaddib markii maalmo ka hor ay Israa’iil weerar ku dishay laba nin oo ka tirsan garabka hubeysan ee ururka reer Falastiin ee Xamaas.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga