Labadii bukaan ee ugu horreeyay ayaa lagu daweeyay dawo ay Israa’iil  u soo saartay cudurka Covid-19, bukaannada oo la xaqiijiyay in xanuunka laga helay, ayaa la arkay inay kusoo kabateen dawadan cusub iyadoo mid kamid ahna laga saaray qaybta ICU-ga ee la dhigo dadka xaaladdooda caafimaad aadka u liidato maalmo uun kadib markii la siiyay dawadan.

Shirkadda dawooyinka soo saarta ee RedHill  Biopharma oo laga leeyahay Israa’iil, ayaa tijaabisay dawadan oo magaceeda layidhaa Opaganib markii ugu horraysay todobaadkii hore, iyadoo bukaannada laga siiyay afka una shaqaysay habka lidka Kansarka iyo lidka Fayrasyada kadibna ay bukaannadu muujiyeen rejo wanaagsan oo kabasho maalmo uun kadib markii la siiyay.

Madaxa shirkaddan, oo layidhaa Mark L. Levitt, ayaa u sheegay mareegta Jerusalem Post inay dhiirrigelisay jawaabaha kasoo noqday dawada Opaganib isla markaana shirkaddu ay ku dedaali doonto taynteeda iyo kor u qaadidda badqabka bukaannada.

Labada bukaan ayaa bilowgii la il darnaa astaamo halis ah sida neefta Oxygen oo ku yarayd iyo naqaska oo hayay kuwaas oo xidhiidh la lahaa xanuunka Covid-19, inkasta oo lagu dedaalay in la siiyo Oxygen ku filan, ayaanay taasi suurtagelin, balse mareegta Jerusalem Post ayaa sheegtay kadib markii la siiyay dawadan labada bukaanba ay yaraatay baahidoodii neefta Oxygen kuwaas oo soo kabanayay.

Dhammaan xarumaha cilmi-baadhisyada dhanka caafimaadka iyo shaybaadhada adduunka ayaa u muuqda kuwo ku tartamayay sidii ay u heli lahaayeen daawada cudurkan Covid-19 amaba tallaal lagaga hortago.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga