Israa’iil waxay qorshaynaysaa in ay Itoobiya ka qaado in ka badan 2000 oo ka mid ah Itoobiyaanka Yuhuudda ah ee ku dhaqan gudaha Itoobiya.

Raysalwasaaraha Israa’iil ayaa dhigiisa dalka Itoobiya u sheegay in dadkan loo qaadi doono gudaha Israa’iil.

Ben Netenyahu ayaa khadka telfanka kula hadlay Abiy Ahmed.

Netemnyahu wuxuu sheegay in uu tallaabadan ula danleeyahay si uu uga dhabeeyo ballan qaadkiisii ahaa in uu Yuhuuda Itoobiyaanka ugu qaadi lahaa deegaanada Israa’iil oo qaar badan oo ka mid ahi ay ku leeyihiin qaraabo.

Illaa 250 qof ayaa bilihii uu socday xanuunka Covid-19 loo qaaday gudaha Israa’iil.

Sanadkii 1991-kii, markaas oo qaybo ka mid ah itoobiya uu dagaal sokeeye ka bilaabmay, waxay Israa’iil muddo laba maalmood ah ku qaaday in ka badan 14,000 oo ka mid ah Yuhuudda Itoobiyaanka ah. Waxay ballan qaaaday in dhammaan inta hadhay ay rari doonto sanadkii 2015, balse may dhicin.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga