Smoke and flames rise from a tower building as it is destroyed by Israeli air strikes amid a flare-up of Israeli-Palestinian violence, in Gaza City May 12, 2021. REUTERS/Ibraheem Abu Mustafa

Ugu yaraan illaa 8 qof oo ahaa qaxoonti ku nool magaalada Qasa ayaa lagu dilay duqaymo ay Israa’iil ka fulisay magaalada Qasa sida ay sheegeen maamulka caafimaadka Falastiiniyiintu.

Israa’iil ayaa wadda duqaynta ay ku hayso magaalada Qasa, waxaanay dadka magaaladu naftooda ula cararayaan degaannada ka baxsan magaalada, iyadoo laga cabsi qabo in Militariga Israa’iil ay gudaha u soo galaan Qasa.

Adduunyada ayaa cambaaraysay falalka ay Israa’iil ku kacayso, waxaana tirada dhimashadu haatan ku dhowdahay illaa 140 qof.

Kooxaha xoogagga Falastiiniyiinta, dhankooda waxay wadaan ganidda gantaalaha, kuwaas oo ay ku dhinteen illaa 8 Israa’iiliyiin ah.

Si kastaba ha ahaate khasaaraha ayaan ahayn mid isku dhow, waxaana si wayn looga dayriyay falalka Israa’iil.

SAAB TV, isha xogta laga helo.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga