Magaalada Khartuum ee caasimadda waddanka Sudan waxa mar kale kasoo cusboonaaday isku-dhacyo kale oo u dhaxeeya ciidanka.

Rasaas iyo qaraxyo xooggan oo Salaasadii soo bilaabmay ayaa laga maqlayaa meelo badan oo ka mid ah magaalada caasimadda ah ee Khartuum.

Ciidamada milatariga ayaa la wareegay xarunta sirdoonka qaranka, waxayna ku eedeeyeen in ah ka socdeen hawlo ka dhan ah maamulka imika jira.
Hoggaanka ciidanka ayaa taliyihii hore ee sirdoonka, Goosh, ku eedeeyay in uu ka danbeeyay rabshadahan imika jira.

Xarunta sirdoonka ayaa sidoo kale la sheegay in ay wali daacad u tahay madaxweynihii xukunka laga tuuray ee Cimar alBashiir.

Wararka ayaa tilmaamaya in uu socday qorshe lagu carqaladaynayo hannaanka socda ee xukunka loogu wareejinayo shacabka, isla markaana doorashada lagu qabanayo.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga