Ciidamada wadamada Sudan iyo Itoobiya waxay mar kale isku faro saareen deegaanada xadka ee u dhexeeya labada waddan, xili ay ku muransanyihiin weli lahaanshaha deegaano u dhexeeya labada waddan oo mid waliba uu sheeganayo.

Ciidamada Sudan waxay ku warameen in weerar culus ay kusoo qaadeen ciidamada Itoobiya ee xadku halkaas oo Sudan lagaga laayay askar. Saraakiisha Sudan may sheegin trirada askarta ay sheegeen in ciidamada Itoobiya ay ka laayeen, balse warka kasoo baxay waxa lagusii daray in dalag badan ay dadka ka baabiiyeen ciidamada Itoobiya halka dad beeralay ahna la dilay.

Wakaalada wararka ee Reuters waxay iyadu ku warantay in askarta la diay ay ahaayeen 6 askar, iyadoo xiganaysa ilo kala duwan.

Dawladda Itoobiya kamay ahdal isku dhacyada cusub iyo eedaymaha ka yimi Sudan ee sheegaya in ciidamada Addis ay weerareen askartooda iyo dad shacab ahaa.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga