Iran waxay diiday in wax ka bedel lagu sameeyo heshiiskii dhanka nukliyeerka ee ay sanadkii 2015 la gashay quwadaha dunida.

Wasiirka arimaha dibadda ee dalka Iran ayaa sheegay in aanay ogolayn is-bedel lagu sameeyo heshiiskii nukliyeerka.

Maxamed Javad Sharif ayaa yidhi “heshiiska nukliyeerku waa mid ay saxeexeen dhinacyo badan oo xeer ay u dejiyeen Golaha Ammaanku. lama ogola in wada xaajood laga galo, iyo in ay cid kale kusoo biirto doona.”

Hadalada Iran ayaa yimi kadib markii Faransiisku uu dalbaday in dawladda Sucuudiga lagusoo daro wadamada heshiiska ku jira.

Emmanuel Macron, madaxweynaha Faransiiska ayaa alCarabiya u sheegay in ka tagitaanka wadamada gobolka ee heshiiskii 2015 ay ahayd khalad wayn. Wuxuu xusay in ay ahayd in Riyad lagu daro heshiiska.

Macron wuxuu intaa ku daray in heshiisyada mustaqbalka iyo wada xaajooka xiga lagusoo daro dawladaha gobolka ee heshiisku saamaynayo gaar ahaan boqortooyada Sucuudiga.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga