Dawladda Iran ayaa ka hadashay sida loo gaadhi karo heshiis ku aadan dhaqan galinta heshiiskii 2015 ee ay la gashay quwadaha waawayn ee dunida.

Wasiirka arimaha dibadda ee Iran ayaa shuruud ku xidhay in heshiis laga gaadho wada hadalada nukliyeerka ee magaalada Vienna, wuxuuna tibaaxay in Maraykanka ay ka rabaan in uu u balan qaado in dalkaas aan mar danbe la saari doonin cuno qabatayn una saxeexo.

Hossein Amir-Abdollahian wuxuu sheegay in hesiis la gaadho ay ku xidhanthaay Iran oo laga qaado cuno qabataynta, dalkiisu uu dib u hdaqan galin doono heshiiska ay ka baxeen qayb ahaan ee sanadkii 20145 ay la saxeexeen wadamada Maraykanka, Ingiriiska, Shiinaha, Ruushka, Jarmalka iyo Faransiiska.

Maraykanka ayaa raba in Iran ay hdaqan galiso qodobada lagu heshiiyay sanadkii 2015 ka hor inta aaan cuno qabataynta laga qaadin.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga