Iran ayaa weerartay qaar ka mid ah saldhigyada uu Maraykanku ku leeyahay gudaha waddanka Ciraaq.

Habeenimadii xalay ahayd ayay laba ka mid ah salidhigyada Maraykanka ku garaacday madaafiic tiro badan, sida ay xaqiijiyeen Aqalka Cad iyo waaxda gaashaandhigga ee Maraykanku.

Wasiirka arimaha dibadda Iran ayaa sheegay weeraradani ay aargoosi u ahaayeen Jeneraal Qaasim Sulaymaani oo Maraykanku uu duqayn ku dilay.

Dhankiisa madaxweyne Trump oo xaalada ka hadlay waxa uu xusay in uu jawigu deganyahay isla markaana ay qiimaynayaan khasaaraha ka dhashay weerarada.

Wali ma jirto cid xaqiijin karta khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weeraradan ay Iran fulisay.

Wararka kasoo baxa kala soco SAABTV.COM

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga