Iran waxay u jawaabtay Maraykanka oo raba in cunaqabataynta saaran dalkaas lagusii dheereeyo, kadib marka la gaadho mudada loogu talo galay in laga wada hadlo cunqabataynta saaran Iran.
Wasiirka arimaha dibadda ee Iran ayaa sheegay in Maraykanku aanu marna xaq u lahayn in uu dalbado cunaqabatayn mar kale la saaro Iran. Maxamed Javad Zarif ayaa warqad uu u diray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ku xusay in Maraykanku uu lumiyay xuquuqdii uu kaga hadli lahaa arintan sanadkii 2018, markaas oo uu ka baxay heshiiskii Nukliyeerka ee Iran ay la galeen quwadaha caalamka oo lix dal markaas ahaa. Ruushka, Shiinaha, Maraykanka, Ingiriiska, Faransiiska iyo Jarmalka. Zarif wuxuu intaa ku daray go’aanka xukuumadda Washington uu jabinayo qaraarada Qaramada Midoobay.
Xoghayaha Arimaha Dibadda ee Maraykanka, Mike Pompeo, ayaa maalintii Khamiista shaaciyay in ay si rasmi ah Golaha Ammaanka uga dalbanayaan in uu kordhiyo cunaqabataynta Iran saaran. Wuxuu ahaa baaq ay badi diideen xulaafada Maraykanka iyo kuwa kasoo hor jeedaaba.
Cunqabataynta hubka ee saaran Iran ayaa ku eg horaanta bisha October oo bili inaga xigto.