Iran iyo Hindiya ayaa kala saxiixday sagaal heshiis, oo ay ku jiraan qayb ka mid ah kireysiga dekedda Iran oo ay dhistay shirkad India ah, ka dib markii wadahadallo laba-geesood ah uu dhexmaray ra’iisul wasaaraha India iyo madaxweynaha Iran New Delhi.

 
Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ku dhawaaqay heshiiska ay labada dhinac wada gadheen ka dib markii wadahadalo ay dhexmareen Madaxweyne Xasan Rouhani.

 
Qoraal si wadajir ah Losoo saaray ayaa lagu faahfaahiyay Kirada dekedda Chabahar, oo lagu horumarinayo dhaqaalaha dalka Hindiya,

 
Intii lagu jiray shirka-jaraa’id, Rouhani ayaa ka hadlay muhiimada ay leedahay xidhiidhka tareenka ee ka yimaada Chabahar ilaa Zahedan, oo u dhow xuduudda Afqaanistaan.
Sannadkii hore, New Delhi waxay si guul leh u soo dirtay qalabka raashinka lagu iibiyo ee Afgaanistaan ​​iyada oo loo marayo dekedda Chabahar

 
“Bada Chabahar waxay u fidisaa India dhinaca Afqaanistaan ​​iyo Bartamaha Aasiya, sidoo kale dekedda Bandar Abbas, waxay sidoo Hindiya ka bixisaa adeegyo badan oo isku xira jidka Europe,” ayuu yiri Manoj Joshi, oo ah falanqeeye sare oo ka tirsan ururka cilmi-baashista ee loo taqaano (Observer Research Foundation (ORF)

 
“Tani waxay u saamaxeysaa Hindiya inay joojiso xannibaadda ay ku hayso Pakistan,sidoo kale waxay ka caawinaysaa in Pakistan ay ka baxdo dheelitirka Hindiya,” ayuu Joshi uu sheegay

 

 

Hindiya waxay horay u ballan-qaadday $ 500m dekedda Port Chabahar, oo ka baxsan Gacanka Hormuz – oo ah mid ka mid ah safarrada maraakiibta ee ugu weyn adduunka. Dekadda ayaa muhiim u ah Hindiya, maadaama ay bixinayso waddooyin cusub oo ah badda isku xirnaanta Afqanistaan, taas oo ujeedadeedu tahay in la barbardhigo joogitaanka sii kordhaya ee Shiinaha

 
Chabahar waxay ku taallaa meel 140km u jirta dekedda Gwadar ee Pakistan, kaas oo lagu horumarinayo Shiinaha

 

 

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga