Ingiriiska ayaa ku jira xaalad adag kadib nooca cusub ee xanuunka Covid-19 ah oo soo ridanaya dad tiro badan.

Gawaadhida gargaarka degdega ah ee ee gudaha Ingriiiska ayaa noqday kuwo aan fadhiisan maalmihii lasoo dhaafay, iyadoo cisbitaaladu ay buuxsameen.

Maalintii Isniinta in kabadan 41,000 oo kiis ayaa laga diwaan galiyay gudaha Ingriiska, halka dhimashaduna ay ahayd 375 qof. Waa hal maalin oo kaliya.

Waa kiisaskii ugu badnaa ee hal maalin lasoo tabiyo tan iyo intii uu safmarku gaadhay Britain.

Tirada dadka qaadaya xanuunka imika ayaa ka badan kuwii uu soo ritay fayrasku wajigii koobaad bishii April, taas oo walaac hor leh ku abuuraysa dawladda Ingiiriiska iyo shacabka dalkaas, oo badi sanadkan dhibaato wayn kala kulmay Covid-19.

Yurub waxa noocan cusub ee Covid-19 ah laga helay wadamada Netherlands, Denmark, France, Italy, Spain, Switzerland, Sweden, Finland, Ireland, Germany, Iceland, Belgium.

Waqooyiga Ameerika waxa lagu arkay dalka Canada.

Qaaradda Asia waxa lagu arkay Japan, Singapore, Hong Kong, South Korea, iyo Australia oo gar ah.

Halka bariga dhexena lagu arkay Israel iyo Lebonan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga