Dawladda Ingiriiska ayaa Soomaaliya u balan qaaday adduun lacageed oo tiro badan, kadib booqasho uu Muqdisho ku tegay Ergeyga Gaarka ah ee UK u qaabilsan Kahortagga Macluusha iyo Arrimaha Bini’aadantinimada, Nick Dyer.
$8million ayuu Ingiriisku ku taageerayaa abaaraha Soomaaliya, iyadoo hore $10 million ay ugu yaboohday dawladda Ingiriisku.
Qaar ka mid ah deegaanada Soomaaliya waxa ka jira abaar taabatay nolosha dadka.