Ingiriiska ayaa ku biiray hawlgalka uu maraykanku bilaabay ee lagu sugayo amniga maraakiibta ku safraysa marinka hurmuz. Oo xiisad culusi ay ka taagantahay.

Tallaabda ingiriiska ayaa ka danbaysay kadib markii dawlada iran ay todobadadii lasoo dhaafay dhawr markab ka qafaaltay marinkan muhiimka u ah isu socodka saliida caalamka.

Wasiirka difaaca ingiriiska ayaa shaaciyay in dalkiisu uu labaynayo ingiriiska, iyadoo waaaxda gaashaandhigga eemaryknkuna soo dhawysay.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta dalka ingiriiska ayaa cambaareeyay tallaabdan, iyagoo u sababynaya in ingiriisku aanu waxba ka badalin siyaasdiisii ku wajahnayd dalka iran, isla markaana aanay haboonayn ku biirida hawlgal noocan oo kale ah. Iyadoo aanay jirin wax iska bedelay siyaasadda arimaha dibadda ingiriiiska ee iran.

Todobaad ka hor ayay xukuumadda cusub ee raysalwasaare boris johson ku baaqday hawlgal lagu qaado gobolka oo midawga yurub ay horkacayaan. Balse imika wuxuu ku biirayaa waxa loogu yeedhay hawlgalka lagu ilaalinayo xasiloonida marinka humuz.

Wali ma jiro dal kale oo ku biiray hawlgalka oo maraykanku uu bilaabay. Kadib cunaqabtyno tiro badan oo dalka iran uu kusoo rogay mryknku. Isagoo sidoo kale kordhiyay ciidamadiisa ku sugan gobolka.

Dawladda iran ayaa bilawday hawlgalk ay ku qabqabnayso qaar ka mid ah maraakiibta ku safraya biyaha marinka hurmuz oo ay jaar la tahay, arintaas ayaana walaac ku abuurtay qaar ka mid ah wadamda reer galbeedka, oo saliid badan ka rarta wadamda khaliijka carabta.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga