Wasiirka caafimaadka ee dalka Ingiriiska ayaa sheegay in dalkiisu uu safka hore kaga jiro dedaalo lagu rabo in tallaal loogu helo caabuqa Covid-19, oo dad ka badan 170,000 oo qof ku dilay dunida.

Matt Hancock wuxuu xusay in xukuumadda uu ka tirsanyahay ee raysalwasaare Boris Johnson ay samaynayso wax kasta ee karaankeeda ah si loo helo tallaal.

Tallaal hadda lagu farsameeyay jaamacadda Oxford ayaa la tijaabin doonaa maalinta Khamiista. Jaamacadda Imperial College London ayaa iyaduna wada tijaabooyin ay ku rabto in ay tallaal ku soo saarto. Dawladda Ingiriiska ayaa £42.5m una dhiganta $52.5m  ku taageeraysa dedaalada tallaal helida ee ay wadaan jaamacadahani.

Hore ayaa loogu guul darraystay tijaabooyinka tallaalo loo sameeyay xanuunka Covid-19, iyadoo khubarada caafimaadku sheegaysa suurtagalnimada in wakhti ku beegan dhammaadka sanadka la helo tallaalka xanuunka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga