Dawladda Ingiriiska ayaa mar kale ka hadashay khilaafka iyo xiisadda ka taagan magaalada Muqdisho ee u dhaxaysa hogaanka ugu sareeya ee dalka Soomaaliya.

Ingiriisku wuxuu taageeray dedaalada uu wado raysalwasaare Rooble oo madaxweynaha mudo xileedkiisu dhammaaday ee Farmaajo uu hore u sheegay in uu shaqada ka joojiyay.

Wasiirka Afrika ee Ingiriiska ayaa la hadashay raysalwasaaraha xil gaadhsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyadoo u sheegtay in dawlada Ingiriisku ay si buuxda u taageersantahay shirka wada tashiga ee Muqdisho ku qabanayo, kaas oo ay ka qaybgalayaan dhammaan madaxweynayaasha maamul goboleedyada Soomaaliya.

Dawladda Ingiriisku waxay ugu baaqday dhammaan dhinacyada in ay ka fogaadaan faalka keenaya rabshadaha.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga