Dawladda Ingiriisku waxay lacagtii ugu badnayd u balan qaaday wadamada saboolkaah si ay ula tacaalaan arimaha is-bedelka cimilada dunida.

London waxay balan qaaday adduun lacageed oo dhan £290m oo u dhiganta ku dhawaad $400m.

Balan qaadka UK ayaa imanaya xili shirka cimilada dunidu uu galay todobaadkii labaad, wuxuuna ka socdaa magaalada Glasgow ee waqooyiga waddanka Ingiriiska.

Wasiirada dawladaha waawayn ayaa weli leh wada hadalo daba dheeraaday oo aan loo kala tegin, kuwaas oo meel la iskula dhigayo sida wadamada saboolka ah looga gacan siin lahaa musiibooyinka ay keenayso isbedelka cimiladu, taas oo ay badi keeneen wadamada warshadaha badan lihi.

Dawladda Ingiriisku waxay iyadu lacagta ay bixinayso badi tagi doontaa wadamada Asia iyo kuwa ku dhaca badweynta Pacific, sida uu sheegay xafiisk arimaha dibada iyo barwaaqo sooranka UK.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga