Dawladaha Ingiriiska iyo Maraykanka oo ka mid ah wadamada taageera dawladnimada Soomaaliya ayaa kasoo hor jeedsaday muddo kordhinta loo sameeyay xukuumadda federaalka oo shalay uu qalinka ku duugay madaxweyne Farmaajo, balse sharci darro ay ku tilmaameen aqalka sare ee baarlamanka Soomaaliya, mucaaridka iyo qaar ka mid ah xubnaha dawlad goboleedyada.

Washington iyo London ayaa muujiyay sida ay uga xunyihiin tallaabada ay qaadeen baarlamanka Soomaaliya gaar ahaan golaha shacabku.

Dawladda Maraykanka ayaa weedhihii ugu adkaa xalay u adeegsaday xaaladda ka taagan qabsoomida doorashooyinka Soomaaliya.

War kasoo baxay wasaaradda arimaha dibadda ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in hore uu Maraykanku uga digay muddo-kordhin aanay ku heshiis ahayn dhinacyada siyaasadda Soomaaliya isku hayaa.

Muddo-kordhinta ayuu Maraykanku ku sheegay in ay halis ku tahay amniga Soomaaliya guud ahaan iyoxasiloonida.

Dawladda Maraykanku waxay ku hanjbatay in ay adeegsan doonto cuno qabatayn, iyadoo dib ay u qiimaynayso xidhiidhka ka dhaxeeya xukuumadda Farmaajo iyo wada shaqaynta ay la lahayd oo ay ka mid tahay taageerada iyo wada macaamilka dibloamasiyadeed.

Dawladda ingiriiska ayaa iyaduna waxay dhankeeda xustay in ay si adag ugasoo horjeedo muddo kordhinta oo hor seedaysa qas iyo doorashooyin is bar bar socda.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga