Ingiriisku wuxuu galayaa bil kale oo dheeraad ah oo xayiraado lagusoo rogayo dhammaan dalka.

Raysalwasaare Boris Johson ayaa sheegay in dadku ay guryaha jiraan bisha November oo dhan, marka laga tago waxyaabaha daruuriga ah sida caafimaadka, waxbarashada meelaha qaar iyo arimo kale.

Dhammaan maqaaxiyaha, goobaha faakahaysiga ee lagu nasto, goobaha lagu jimicsado iyo goobaha kale ee aan muhiimka ahayn ayaa la xidhayaa, balse jaamacadaha iyo koolejyada kale ayaa iyagu furnaan kara, hadii ay ka timaado dhanka maamulka waxbarashada.

Go’aanka xukuumadda raysalwasaare Johnson ayaa ka cadhaysiiyay xildhibaano badan oo ka tirsan baarlamanka Ingiiska, iyo sidoo kale hogaamiyayaasha ganacsiga.

Maalinta Isniinta ayuu Boris Johson hor tagi doonaa baarlamanka, si uu qorshahiisa cusub u difaaco.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga