Dawladda Indunuusiya ayaa sheegtay inay  joojin doonto socodka dadku ay ku tegayaan gobollada iyo magaalooyinka dalkaasi bisha barakaysan ee Rabadaan xilli dalalka koonfur-bari qaaradda Eeshiya ay ku dedaalayaan xakamaynta xanuunka safmarka ah ee Coronavirus.

Madaxwaynaha dalka Indunuusiya Joko Widodo ayaa sheegay maalintii Salaasadii inuu qaatay go’aanka uu dadka kaga mamnuucayo socdaalka, iyadoo dalkiisu uu yahay midka ugu dhimashada badan xanuunka Coronavirus dalalka bariga qaaradda Eeshiya marka laga reebo Shiinaha halkaasi oo ay dhimashadu kor u dhaaftay 616 qof.

Madaxwayne Widodo ayaa hore ugu adkaystay inay dadku joogaan guryaha.

Khuburada dhanka caafimaadka ayaa ka digaya haddii loo ogolaado Malaayiinta Muslimiinta ah ee kunool dalka ugu muslinka badan dunida waa Indunuusiya e, ku laabashada guryahoodii iyo tuulooyinkii ay ka yimaadeen bisha barakaysan ee Ramadaan oo bilaabmaysa todobaadkani ay sababi karto fiditaanka xanuunka Coronavirus.

Wasiirka gaadiidka Indunuusiya oo ka hadlayay sahan dhanka Online-ka ah, ay wasaaraddiisu samaysay ay 24% dadku ku adkaysteen inay Rabadaanta dib ugu laabtaan qoysaskoodii, balse badi dadku ay u hoggaansameen amarka dawladdu soo saartay.

Sannadkii hore, 19.5 Milyan oo kamid ah in kabadan  260 Milyan oo dalkaas kunool ayaa safar galay, iyadoo sida ay dawladda Indunuusiya sheegtay ay joojinta dadku dhaqan gal noqon doonto maalinta Jimcaha ah.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga