Xukuumadda Indonesia ayaa wadamada horumaray ee caalamaka ka codsatay in lala soo gaadho kaalmo deg deg ah oo lagu samata bixinayo noloshada dadkii ay dhul gariirka iyo Dufaanadu ku dhufteen ee dalkaasi, ayna ku dhinteen in ka badan 832 qof.

Mas’uul sare oo ka tirsan Xukuumada dalkaasi ayaa sheegay in Madaxweynaha Indonesia Joko Widodo uu amar ku bixiyay in dadka waxyeelada ka soo gaadhay musiibadaasi rabaaniga ah lala gaadho gurmad deg deg ah wallow ay jirto dhibaato xagga isgaadhsiinta oo goobihii Duufaantu ku dhufatay aan la geli Karin.

Waxaana la soo sheegayaa in tobanaan ka tirsan hay’adaha gargaarka aan dowliga aheyn ay codsiga Madaxweynaha ka jawaabeen.

Mowjadaha biyaha Badda ee Sunaamigga ayaa la sheegay inuu ka sare maray lix mitir magaalooyinka Xarunta ganacsiga Ballo iyo Dongala oo ku yaala jaziirada Sola wiso, kadib markii uu ku dhuftay dhul gariir cabirkiisu lagu qiyaasay 7.5 oo lagu qiyaaso cabirada dhul gariirada.

Warku wuxuu intaa ku daray in weli ay jiraan dad nool oo ku hoos jira burburka Hoteelada, iyadoo boqolaal kale ay ku aasmeen dhul go’ay hoostiisa.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga