In kabadan 400 oo qof ayaa lagu dilay magaalada Ghouta,Sida ay shegeen koox kormeer ahi, iyada oo ciidammada dowladda Suuriya oo ay taageerayaan diyaaradaha dagaalka ee Ruushka ay sii wadaan duqeyntii ay ku Qadeen goobaha ay mucaaradku ku Sugntihiin

Hay’ada UNICEF ayaa sheegtay in ugu yaraan 403 qof ay ku dhinteen weerarkii Duqaymihii Shalay ka dhacay, kuwaas oo ay ku jiraan 150 caruur ah. Ku dhawaad ​​2,120 kale ayaa la dhaawacay.

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Suuriya, Staffan de Mistura, ayaa carabka ku adkeeyay baahida degdegga ah ee Loo Qabo xabbad-joojinta Hadal uu ka jeediyay kulankii golaha ammaanka ee QM ee Khamiistii.

Wuxuu intaa ku daray in xabbad joojinta loo baahan yahay in la raaco helitaanka bani’aadamnimo ee degdegga ah iyo in la fududeeyo daadgureynta dadka dhaawaca ah ee ka soo baxay Bari Ghouta,

 

 

 

 

Rafat al-Abram wuxuu ku nool yahay Douma oo waa farsamayaqaan baabuur. Weerarrada hawada ee maalmihii la soo dhaafay ayaa hakad geliyay shaqadiisa iyada oo waddada uu ka shaqeynayo la burburiyay

Heerarka nafaqo-xumada ayaa gaadhay heerar aan horay loo arag, sida uu sheegay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Isuduwaha Arrimaha Bani’aadamnimada, iyada oo 11.9 boqolkiiba carruurta ka yar shan sano ay hayso nafaqo-xumo ba’an.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga