Qeybo ka mid ah ururada samafalka ee Qaza ayaa sheegay in in ka badan 1,000 ruux oo reer Falastiin ah ay ku dhinteen Xayiraada isreal ay kusoo rogtay falastiin.

Iskuduwaha hay’adaha Samafalka Ahmad al-Kurd, ayaa sidoo kale Axaddii sheegay in shan caruur ah oo dhashay dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ay dhinteen Sababtoo ah daaweyn caafimaad oo aan Jirin.

“In ka badan 1,000 qof oo ah dhibbanayaasha xannibaadda, 450 ayaa ku dhintay iyada oo ay sababtay burburkii xaaladda caafimaad ee Qaza,

Intaa waxaa dheer, tirada shaqaalaha ee lagu dilay Xeebaha, kalluumeysiga iyo jidadka ganacsiga ayaa gaadhay 350.

Mid ka mid ah kalluumeysatada reer falastiin ayaa la dilay Axaddii ka dib markii ciidamada badda ee Israel ay ka rideen doontiisa. Laba kaluumaystayaal oo kale ayaa la dhaawacay.

Afhayeen u hadlay ururka shaqaalaha kalluumeysiga ee Falastiin ayaa sheegay in doonta la beegsaday kadib markii ay ku sii jeeday dekedda Qaza.

Sida laga soo xigtay Xarunta Falastiiniyiinta ee Xuquuqda Aadanaha (PCHR), dhammaan weerarrada Israel ee kalluumeysatada Falastiiniyiinta ayaa ka dhacay gudaha lixda mile ee badda.

Afhayeen u hadlay ayaa yidhi Dilka kalluumaysatada reer Falastiin ee ciidamada badda Israel waa fal dambi ah oo laga yaabo in Israeli ay mas’uul ka tahay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga