Imaaraadka Israel ayaa wada gaadhay heshiis taariikhi ah oo aan hore looga baran noociisa dunida Carabta. Heshiiska ayaa dhaleecayn wayn kala kulmay shacabka carbeed ku dhaqan gobolka Khaliijka.

Xukuumadda Abu Dabi waxay sheegtay in ay xidhiidhka ay la leedahay Israel ay unkayso, isla markaana ka dhigayso xidhiidh caadi ah.

Waa waddankii ugu horeeyay ee Khaliijka ah oo tallaabadan ku dhaqaaqa.

Xidhiidh diblomaasiyadeed oo buuxa ayay wada yeelan doonaan Imaaraadka Carabta iyo Israel. Waxa la sheegay in ay soo afjarayso xanibaado badan oo ganacsiga iyo tiknoolajiadda labada dhinac dhex yaalay, maadaama Imaaraadka iyo wadamada Carabta ee kaleba aanay xidhiidh noocan ah la lahayn Israel, maadaama ay xoog ku haysato dhulka Falastiin.

Wadamada Jordan iyo Masar ayaa hore heshiisyo noocan oo kale ah ula saxeexday Israel, Imaaraadka ayaana noqonaya dalkii sadexaad ee Carbeed ee tallaabadan oo jiritaanka Falastiin halis ku ah qaada.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga