Dowladda Imaaraadka  Ayaa Shaacisay In ay maal Galin ku Samayn Doonto dhismaha dhuumo shidaalka qaada oo isku xidhi doona magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya iyo magaalada Asmara ee dalka Ertirea.

Wakaalada Wararka Ee Fana ayaa lagu sheegay in xogtan lagu soo bandhigay kulan ay ku yeesheen magaalada Addis Ababa ra’iisal wasaare Abiy Ahmed iyo Reem Al Hashimy oo ah wasiiru-dowlaha Iskaashiga caalamiga ah ee dalka Isku-taga Imaaraadka Carabta.

Wax Faah Faahina Lagama bixin kulanka,laakiin madaxa shaqaalaha ra’iisal wasaare Abiy Ahmed oo lagu magacaabo Fitsum Arega ayaa sheegay in  maal-gashigani uu Khuseyn doono dhinacyada “warshadaha, beeraha, hantida maguurtada, (iyo) dhuumaha saliida.”

Tallaabadan ayaa noqoneysa mid ka mid ah caalamadaha ugu waaweyn ee saameynta dowladda Imaaaraadku ku yeelaneyso Geeska Africa.

Dowladda Imaaraadka ayaa la sheegay inay kaalin-weyn oo muuqata ku laheyd wada hadaladdii lagu soo afjaray colaadii 20ka sano u dhaxeysay labada dowladood ee Itoobiya iyo Ertirea,

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga