Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa deeq agabka caafimaadka ee loogu talo galay in lagaga hor tago caabuqa Covid-19 soo gaadhsiisay Somaliland.
Diyaarad si toos ah ugasoo kicitintay dalka Imaaraadka ayaa saaka subixii hore soo caga-dhigatay garoonka Cigaal ee magaalada Hargeysa, waxaana halkaas goob-joog ahaa qaar ka mid ah masuuliyiinta caafimaadka.
Qalabkan caafimaadka ayaa loogu talo galay in lagaga hor tago xanuunka Coronavirus ee saamaynta wayn ku yeeshay dunida.