Imaaraadka Carabtu wuxuu si wayn uga cadhooday Israa’iil kadib markii ay si cad u diiday heshsiis ay wada galeen dawladaha Imaaraadka iyo Maraykanka, kaas oo dhigayay in diyaaradaha dagaalka ee F-35 laga iibiyo dalka ku yaala Khaliijka Carabta ee Imaaraadka.
Todobaadkii aynu soo dhaafnay ayuu madaxweyne Donald Trump sheegay in heshiiska ay la galeen Imaaraadku uu ku jiro marxalad qiimayn ah. Saraakiisha Difaaca Maraykanka ayaa sheegaya in muddo lix bilood ah uu ku dhammaystirmi doono heshiisku.
Imaaraadku wuxuu joojiyay kulan qorshaysnaa oo uu la yeelan lahaa Maraykanka iyo Israa’iil. Saraakiisha saddexda waddan ayaa la filayay in ay maalinta Jimcaha kulmaan, balse xukuumadda Abu Dabi ayaa ka cadhootay hadalada Netenyahu ee ku wajahan diidamada heshiiska.
Siyaasadda difaaca Maraykanka ee ku wajahan Bariga Dhexe ayaa u janjeedha in la dhiso awoodda Israa’iil, taas oo caqabad ku ah in diyaarado heerkan u casri ah Imaaraadka laga iibiyo.