Carab maqashayaaba, lacag iyo raaxo maqashay, runtuse taa ma aha, balse laga yaabee inay maskaxdaada kusoo dhacaan dalalka dhaca Khaliijka ee khayraadka shidaalka Eebbe wayne sida wayn ugu mannaystay, iyaguna ka faa’idaystay.

Dalalkaasi, aan ka xuso, Qatar, Sacuudi Carabiya, Kuwayt, Baxrayn, Cummaan iyo midka aan wax ka sheegi doono waa Imaaradaha midoobay ee carbeed amaba si fudud imaaraadka carabta loo yidhaa magaciisa.

Imaaraadku wuxuu dhacaa galbeedka qaaradda Eeshiya isagoo cidhifka bari kaga yaalla dhulka jasiirad-la-moodda carbeed.

Soohdimo wuxuu la leeyahay Cummaan iyo Sacuudiga, caasimadduusu waa Abu Dabay wuxuuna ka kooban yahay todoba imaaradood.

Sida deriskiisa, wuxuu ahaa dal lama degaan ah oo dadkiisa faqrigu biyo dhigay, kahor intii aan laga helin khayraadka saliidda.

Halkani waa Dubai, magaalada ugu wayn uguna dad tiro badan, muddo kooban bay kaga mid noqotay adduunyada siraadan.

Qof kasta oo Dacallada adduunka u kala duulaya, Dubai waa meel uu mar uun sii marayo, maraakiibta hadalkooda daa, dalxiisku waa sumaddeeda, hoyga dadka caanka ah iyo shirkadaha waawayn ayay noqotay, iyadoo laga dhisay dhismeyaashii ugu dhaadheeraa ee uu bini-aadanku ka dul-dhiso meerahan dhulka.

Taasi waxay soo jiidatay malaayiin qof, kuwaas oo fursado shaqo u imanaya isku-tagga imaaraadka carabta amaba raba inay ku naaxiyaan ganacsiyadooda.

Tirada dadka kunool UAE, ayaa dhan 9.2 Milyan, balse keliya 1.4 Milyan ayaa ah dadka u dhashay dalka, 7.8 Milyan ayaa qurbe-joog ku ah dalkaasi, kuwaasi oo keliya haysta deganaanshe lagala laaban karo markii la doono.

Maanta oo Sabti ah, Imaaraadku wuxuu ku dhawaaqay isbedello la xidhiidha xagga sharciyada dhalashada, haddii aad tahay maal-gashade kharashkiisa sita, dhakhtar, saynisyahan, amaba qof hibo alle siiyay, adiga iyo qoyskaagaba waa laydiin siinayaa dhalashada Imaaraadka Carabta.

Dabcan waxaa ku xidhan xirfadahaas, shuruudo, waxaana kamid ah, in ugu yaraan aad leedahay 10 sanno oo khibrad ah, maalgashiga dhankiisa, wasaaradda dhaqaaluhu caddayso hantida maalgelinta, amaba aad haysato abaal-marino caalami ah.

Ma aha dalkii ugu horreeyay ee dejiya qorsheyaal noocan oo kale ah, runtii waxaaba la odhan karaa wuu lasoo daahay Imaaraadku ka faa’idaysashada dadka hibada sare leh, hantiileyaasha adduunka badan walwaalaya iyo dadka nacfiga u leh horusocodkiisa bulsho.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga